11/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2022
Eritrea: Tababarka ciidamada Soomaaliya waa in uu ahaado mid aan muran ka dhalanin
 

Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Dowladda Eritrea ayaa si adag u eedeysay dalalka reer Galbeedka inay tashuush iyo marin- habaabin ku fureen xiriirka iskaashi ee dhexmaraya dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea.

Bayaan dheer oo lagu daabacay bogga internetka ee wakaaladda wararka ee Erirea, ayaa lagu sheegay in reer galbeedku faafiyeen sheegashooyin been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ku saabsan iskaashiga ka dhexeeya laba dowladood ee madaxa-bannaan.

“Isku xidhnaanta sii kordheysa ee labada dal, gaar ahaan dhanka difaaca iyo amniga, waxa ay dhalisey guux weyn oo diidmo ah oo ka imaanaya tiro dalal reer galbeed ah. Waana  munaafaqnimo weyn oo ku qotonta isla weyni,” ayaa lagu yiri warbixin dheer oo lagu daabacay Shabait.

Dowladda Etrea waxay sheegtay in bartilmaameedka gaarka ah uu yahay iskaashiga amniga ee sii kordhaya ee labada waddan. Xilli dalkaasi uu noqday dalkii ugu horreeyay ee kumanaan askari u tababara Soomaaliya, tan iyo burburkii dowladdii dhexe kadib.

Dowladda Eritrea waxay sheegtay tababarka  ciidamada Soomaaliya, oo loo qabtay iskaashiga labada dal, laguna fuliyay rabitaanka iyo codsiga dowladda Soomaaliya, in uu ahaado mid aan muran ka dhalan.

“ Wadashaqeynta joogtada ah ee labada dal ayaa dhab ahaantii ku qotonta taariikh dheer oo wadajir ah, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay koox yar oo jilayaal ah oo taageero u fidiyay Ereteriya halgankii dheeraa ee xorriyadda. labada waddanba waxay garwaaqsan yihiin in dagaalka  argagixisada Soomaaliya uu yahay xasilloonida, iyo amniga guud ahaan gobolka Geeska Afrika oo dhan ,”ayay tidhi dowladda Eritrea.

Eritrea waxay sheegtay faragelinta dibadda ee Soomaaliya lagu sameeyay inay dhashay natiijooyin xun oo keliya, waxayna tilmaamtay kaliya hannaan gudaha lagu go'aamiyay inuu waxtar u yeelan karo Soomaaliya. Halkii dibedda laga hagajin lahaa oo loo jihayn lahaa.

Warkan kasoo baxay dowladda Eritrea ayaa lagusoo aadiyay dhowr cishe kadib markii uu dalkaasi booqasho ku tagay madaxweynaha Soomaaliya, si uu u kormeero kumanaanka askari ee dalkaas lagu tababaray.

Booqashada madaxweyne Xasan Sheikh uu ku tagay dalkaas, wax natiijo ah oo ku saabsan soo celinta ciidamada Soomaaliyeed kama soo bixin.

Waxaana jirtay warar horey warbaahinta u qortay oo ku saabsanaa in dowladda Eritrea arrimo dhaqaale awgeed u haysato ciidamada Soomaaliyeed in dalkooda dib loogu celiyo.












Click here
11/19/2022 2:41 PM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - TPLF ayaa dowladda Eritariya waxa ay ku eedaysay inay wado abaabul ciidan oo ka dhan ah heshiiska ay dhawaan ku gaareen dalka Koonfur Afrika dowladda Itoobiya iyo TPLF.

11/19/2022 9:38 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradka ahi anay haysan sharciyada xukuumada, kadib markii ay iyagu kalsoonida kala noqdeen xukuumada.

11/19/2022 7:28 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan halkaasoo siweyn loogu soo dhaweeyay.

11/19/2022 7:14 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa sheegay in anay xukuumada aqoonsanayn ilaa oo ay sharciga kusoo laabato, sida loo dhigay qoraal kasoo baxay xisbiga.

11/19/2022 5:30 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Sabti ah xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo horay dilal kala duwan uga geystay gudaha magaalada Kismaayo.

11/19/2022 5:23 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Sarkaal sare oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo lagu eedeeyay xad-gudubyo dhowr ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo geystay dad rayid ah oo Soomaaliyeed, sanadihii 1980-meeyadii, ayaa lagu xiray gobolka Virginia.

11/19/2022 2:55 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka saxiixay sharciga caalamiga ah ee ka dhanka ah isticmaalka iyo adeegsiga walxaha qarxa ee meelaha ay dadku ku badan yihiin.

11/19/2022 12:51 AM EST
Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.