4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2022
TPLF oo dowladda Eritariya ku eedaysay inay abaabul ciidan ka wado gobolka Tigray
 

Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - TPLF ayaa dowladda Eritariya waxa ay ku eedaysay inay wado abaabul ciidan oo ka dhan ah heshiiska ay dhawaan ku gaareen dalka Koonfur Afrika dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Warkan oo ay tabiyeen Warbaahinta ku hadasha Afka TPLF ayaa sidoo kake lagu sheegay in Ciidamada Eritariya ay bilaabeen duulaan hor leh iyo weeraro lagu hayo shacabka gobolka Tigray.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara warka ay baahisay Warbaahinnada kala duwan ee taageerta TPLF, sidoo kale dowladda Itoobiya iyaduna kamaysan hadlin warkan kasoo baxay TPLF.

Horey waxay TPLF u sheegtay inaysan hubka dhigayn ilaa Ciidamada Eritariya ka baxayaan dhulka ay haystaan ee ka midka ah gobolka Tigray.

Dowladda Itoobiya ayaa iyaduna horey u qeexday inaysan jirin sabab ay Ciidamada Eritariya wakhti xaadirkan usii joogaan gobolka Tigray iyadoo heshiis nabadeed uu dhacay.

Bishan billowgeedii ayaa waxaa heshiis nabadeed gaaray dowladda Itoobiya iyo TPLF kaddib dagaallo muddo aad u dheer ka socday Waqooyiga Itoobiya, balse waxaa wali la is weydiinayaa sida uu u fulayo heshiiskaas iyadoo TPLF heshiiska kaddib wali ay wax tabanayso.