3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 18, 2022
Danjire Abuukar Baalle "Cunaqabateyntan gacmaha ayay naga xireysa xilligii ugu adkaa ee aan dagaalka kula jirno cadowga"
 

Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, iyadoo arintaasi ay si weyn uga hortimid dowladda Fedaraalla Soomaaliya oo dalbatay in cunaqabateynta laga qaado si ay uga guul gaarto dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Qaraarkan lagu ansixiyay cunaqabateynta hubka iney sii saarnaato Soomaaliya waxaa u codeeyay 11 wadan, hayeeshee dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana aya ka maqnaa ansixinta qaraarkan.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan, Abuukar Baalle ayaa sheegay iney si weyn uga xun tahay dowladda Soomaaliya in la kordhiyo cunaqabateynta hubka ee saaran oo uu sheegay iney tahay midi ugu dheereed, isagoona sheegay in qaraarkani uu caqabad ku noqonayo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya si looga hortago kooxda Al-Shabaab.

"Cunaqabateyntan gacmaha ayay naga xireysa xilligii ugu adkaa ee aan dagaalka kula jirno cadowga arxan laaweyaasha ah, Cadaalad darrada iyo laba wejiilanimadan waxay ka hor istaageysaa dowladda Soomaaliya inay si sharci ah u hesho qalab millatari, si ay dib ugu dhisto ciidamadeeda qaranka” sidaas waxaa u sheegay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Cusmaan Baalle.

Gabagabdii dowladda Soomaaliya ayaa rajo weyn ka qabtay in laga qaadi doono cunaqabateynta hubka saaran, iyadoo taageero ka heleysay Midowga Afrika, waxaana qaraarkaan uu sidoo kale kusoo beegmaya, xili dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay inta badan gobolada dalka ay ciidamada dowladda Soomaaliya kula dagaalameyeen kooxda Al-shabaab oo kasoo horjeeda jiritaanka dowladda Soomaaliya.












Click here
11/18/2022 4:01 AM EST
Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar kula kulmay Sayed Alqasiir oo ah wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysiga Dowladda Masar.

11/18/2022 3:20 AM EST
Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Dowladda Canada ayaa wada qorshe ay ku masaafurineyso ku dhawaad 500 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ay sheegtay in dalkeeda ay kusoo galeen Baasabooro wadama kale ah.

11/18/2022 2:22 AM EST
Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Afhayeenka TPLF Getachow Reda ayaa mar uu Warbaahinta la hadlayay waxa uu sheegay in dagaalyahannadoodu aysan hubka dhigi doonin ilaa Ciidamada Eritariya iyo kuwa degaanka Axmaaradu ka baxaan dhulka Tigray.

11/18/2022 1:05 AM EST
Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Mabaax oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.

11/18/2022 12:42 AM EST
Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse oo howlo shaqo u jooga dalka Serbia ayaa kulan la qaatay Raysal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Serbia Ivica Dačić iyo xubno kale oo ka tirsan Gollaha Wasiiradda dalkaas oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo masuuliyiin kale.