4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2022
Xildhibaannada lagusoo doortay Garbahaareey oo ka horyimid go'aanka guddoomiyaha barlamaanka

Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Xildhibannadii lagusoo doortay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa ka hor yimid go’aankii kasoo baxay guddoomiyaha barlamaanka, kaasoo xildhibaannada Ceelwaaq u aqoonsaday inay yihiin kuwa saxda ah ee sharciga ku yimid.

Xubno kamid ah xildhibaannada Garbahaareey oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho,ayaa cambaareeyay go’aanka guddoomiyaha, waxayna ku tilmaameen go’aan dowladdo shisheeye ay usoo dhiibeen.

“Ma ahayn go’aanka Sheikh Aadan aan ka sugaynay, inuu ahaa go’aan uu mediyaha noosoo marinayo. Arrintaan waa matalaadii gobolka Gedo. Sheikh Aadan nooma soo marin kartid Mediyaha, waa in la isisoo hor fariistaa oo laga wada hadlaa,” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaannada Garbahaareey lagusoo doortay.  

Xildhibaannadan ayaa weli ku adkaysanaya inay ku yimaadeen hab waafaqsan heshiiskii doorasho ee 17 september islamarkaana waxay shegeen in ay ka qeyb galidoonaan fadhiyada soo socda ee barlamaanka.

Guddoomiyaha barlamaanka ayaa maalmo ka hor sheegay in xildhibaan aan sharciyad haysanin uusan mar dambe soo fariisandoonin hoolka barlamaanka, kadib labo maalmood oo fadhiyada barlamaanku hareereeyeen buuqa xildhibaannada Gedo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]