4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2022
Madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah u shaaciyay inuu mar kale u sharraxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya

Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu mar kale u sharraxan yahay xilka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in doorashada lagusoo beegay 15 ka May oo ah maalintii la aas aasay ururkii gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

"Anigoo tixgelinaya codsiga shacabka Soomaaliyeed, waxaan go’aansaday in aan mar kale isu sharraxo xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si aan usii socodsiinno isbeddelka ka socda dalka ee miro-dhalay," ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo waxaa uu sheegay in Soomaaliya u baahan tahay qof aamin ah oo ilaaliya ammaanadeeda iyo hantida qaranka, wuxuuna xildhibaannada labada aqal ka codsaday inay codkooda siiyaan, si mar kale u hoggaamiyo dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya haddii mar kale dib loo doorto xilkan, madaxweynihii ugu horreeyay ee labo jeer xukunka qabta.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]