4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2022
Diiwaan galinta Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta ka bilaabaneysa magaalada Muqdisho
 

Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka bilaabato diiwaan galinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan doorashada Madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Shalay galinkii dambe ayay aheyd markii guddiga doorashada madaxweynaha ay soo bandhigeen sharuudaha looga baahan yahay Musharax kasta oo doonaya inuu ka qeyb galo tartanka doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dalka Soomaaliya.

Tartanka doorashada madaxweynaha cusub ee dalka ayaa waxaa u sharaxan Musharaxiin fara badan oo tiro ahaan gaareysa labaatameeyo oo ay ka mid yihiin madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo, madaxweynayaashii hore, raysal wasaarayaal hore iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.

Doorashada madaxweynaha dalka ayaa qabashadeeda ku asteeyaan 15-ka bishaan May oo ku beegan Maalintii la aas aasay Ururkii dhalinyarada ee gobanima doonka ahaa ee SYL, waxaana doorashadaan si gaar ah indhaha ugu wada haayo Shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay si weyn looga dhex dareemaayay ololaha ay wadaan Musharaxiinta dooneysa qabashada xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online