4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 7 , 2022
28 Musharax oo Soomaali- Britain ah oo ku guuleystay doorashadii golaha deegaanka ee dalka Britain
Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - 28 musharrax oo Soomaali-Britian ah ayaa ku guuleysatay doorashooyin golaha deegaanada ee dalka Britain. Waana markii ugu horeysay taariikhada dalka Britain oo tiro intaa la eg oo ka soo wadada jeeda Soomaali ay guul ka soo hoyaan doorashadii  Khamiistii ka dhacay dalka Britain.

Musharixiinta ugu badan ee guuleystay ayaa waxay ka soo jeedaan deegaanada kala duwan ee magaalada London.

Xisbiga talada haya ee Conservatives ayaa lumiyey 500 oo kursi, halka xisbiga mucaaradka uu helay 163 kursi oo dheeri ah.

Dhinaca kale xisbiga Labour-ka oo ah kan ugu ballaaran ee mucaaradka ah ayaa la filayey in uu ka faa'iideysto jabka xisbiga talada haya, balse ma aaney wada helin guushii ay sida weyn u filayeen.

Xisbiga Liberal Democrat ayaa kuraas badan ka helay koonfurta England xisbiga Conservatives, halka ay Scotland kuraastii ay Scottish National Party ka qaadaatay xisbiga talada haya.

Xisbiga Labour wuxuu awoodiisa ku soo bandhigay magaala weynta London iyo Wales oo ay kuraas badan kaga qaateen xisbiga Conservatives.

Halkan ka akhriso magacyada 26-ka musharrax ee Soomaalidda ah ee ku guuleysatay doorashooyinka.golaha deegaanka ee dalka Britain.

1. Awale Olad - Camden

2. Harbi Farah - Brent

3. Abdi Aden - Brent

4. Amina Ali - Tower Hamlets

5. Hibaq Jama - Bristol

6. Faduma Hassan - Brent

7. Abdirazak Abdi - Brent

8. Mohamed Hashi Lambeth

9. Kasim Ali - Kensington

10. Bashir Ibrahim Islington

11. Amal Ali  - Bristol

12. Yasin Mohamud - Bristol

13. Safiya Saeed - Sheffield

14. Mahadi Hussein Sharif Mahamed - Manchester

15. Issa Issa - Lambeth

16. Hodan Haili - Ealing

17. Sagal Abdiweli - Camden

18. Maleiki Haybe Sheffield

19. Naima Ali - South london

20. Ibrahim Ali - Bruce Castle

21. Ifrah Samatar - Hackney

22. Fadumo Mohamed - Southall

23. Abdullah Abdullah - Enfield

24. Dahabo Haji Isse - Kensington and Chelsea

25. Abdullah Nur- Kensington and Chelsea

26. Ibrahim Saeed- Cardiff.

27. Asli Mohamed - Greenwich

28. Adil Khaireh - Greenwich

Hashim Duale MBE, Hiiraan Online
Leicester, UK