4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 7 , 2022
Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo soo saaray habraaca doorashada madaxweynaha Soomaaliya
 

Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray sharuudaha looga baahan yahay Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen guddiga doorashada madaxweynaha dalka ayay ku soo bandhigeen sagaal qodob oo looga baahan yahay Musharax kasto oo u taagan tartanka doorashada madaxweynaha dalka oo lagu wado iney dhacdo 15-bishaan May.

Berito oo Axad ah taariiqduna ku beegan tahay sideeda bisha May ayaa lagu wada in magaalada Muqdisho ay ka bilaabato diiwaan galinta Musharaxiinta dooneysa qabashada xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso habraaca doorashada madaxweynaha:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online