4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 7 , 2022
Barlamaanka Puntland oo sheegay inuu socon waayay dadaalo lagu dhex dhexaadin lahaa Deni iyo Axmed Karaash
 

Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - Barlamaanka maamulka Puntland ayaa rajo xumo ka muujiyay dadaallo lagu doonayay in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex taagan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Puntland, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa sheegay in labada masuul ay todobaadkii hore qadka taleefoonka kula hadleen, kana oggolaadeen in barlamaanku galo xallinta  khilaafka , isagoo u maraya hab sharciyeed iyo hab siyaasadeed.

Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka waxa uu sheegay in madaxweyne ku xigeenka uu xagal daaciyay wada xaajoodka uu barlamaanku waday, kadib markii todobaadkii hore uu xil ka qaadis ku sameeyay saddex kamid ah wasiiradda Puntland, taasoo uu sheegay inay fashilisay howshii ay wadeen.

“Waxaan isugu ballansanayn inaan sabtida (maanta) isugu imaano Garowe oo aan halkaas kasii ambaqaadno xallinta aan qeyb ka qaadanayno ee aan isugu soo dhoweynayno masuuliyiinta. Runtii waxaad moodaa wareegtadii kasoo baxday madaxweyne ku xigeenka inay xagal daacisay waan waantii iyo wada xaajoodkii aan dhinaca ka ahayn,” ayuu yiri Abuukaate Cabdicasiis.

Hadalka barlamaanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo haatan magaalada Bosaso ay ka taagan yihiin xiisado ka dhashay xil ka qaadista uu Axmed Karaash sameeyay, iyadoo ciidamo badan lagu daad gureeyay xarumaha dowliga ah ee Boosaaso, si looga hortago inay dhaqan gasho tallaabooyinka Axmed Karaash.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]