4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 7 , 2022
Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca warbaahinta
 

Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cismaan Abokar Dubbe ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay Wasiirka Warfaafinta Federaalka Itoobiya Dr Legesse Tulu oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo iskaashiga warbaahinta.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Itoobiya Dr Legesse Tulu ayaa qiray in Soomaalidu ay hadda safka hore kaga jiraan isticmaalka Baraha Bulshada maadaama Itoobiya ay u badan tahay warbaahinta caadiga ah.

Labada wasiir ayaa intii uu socday kulankooda waxa ay kaga wada hadleen khatarta ka dhalan karta wararka been abuurka ah ee ku saabsan amniga iyo dowladnimada iyo sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaggooda.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo warbaahinta ee labada dal, waxaana labada dhinac ay isla garteen in heshiisyo laga gaaro arrimahan mustaqbalka dhow.

Wasiirka ayaa waxaa kulanka ku wehliyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac ilka Jiir iyo Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Cabdulaahi Cabdirisaaq.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]