4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 7 , 2022
Faahfaahino kasoo baxay dil ka dhacay magaalada Baledweyne
 

Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa Xalay gudaha magaalada Baledweyne dil ugu geystay askari ka tirsanaa ciidanka Militariga Dowladda Soomaaliya.

Askariga Xalay lagu dilay gudaha magaalada Baledweyne ayaa ahaa shaqsi caan ka ahaa magaalada, kaasoo lagu magacaabi jiray Shuute Cabdullaahi Cilmi, waxaana goobta lagu dilay si deg deg ah uga baxsatay kooxdii dilka u geysatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo dilka kadib gaaray goobta ayaa baaritaano ka sameeyay goobta dilka ka dhacay iyo nawaaxigeeda, hayeeshe majirto cid ay usoo qabteen dilkaasi.

Laba habeen ka hor ayay aheyd markii wiil dhalinyaro ah lagu dilay xaafada dhagax jibis ee magaalada Baledweyne, kaasoo aanan la ogeyn cida dilkiisa geysatay, waxaana gudaha Baledweyne inta badan ka dhaca dilalka qorsheysan ee aanan la garaneyn cida geysata.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka degmada Baledweyne oo ku aadan falalka amaan darada ah ee kusoo kordhaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online