4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 7 , 2022
Ciidamada Burundi iyo kuwa Dowladda oo howlgalo ka bilaabay deegaano hoostaga degmada Mahadaay
 

Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee ku sugan deegaanada Ceelbaraf iyo Miirtaqwa oo hoos yimaada degmada mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ayaa halkaasi ka bilaabay howlgalo ay ku xaqiijinayaan amaanka deeganada ay ku sugan yihiin.

Howgalka Ciidamada Burundi ka bilaabeen nawaaxiga deegaanada Ceelbaraf iyo Miirtaqwa waxaa ku wehlinaya ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya, waxaana howlgaladooda ay ku sheegeen iney kaga hortagayaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay Al-shabaab halkaasi ka wadaan.

Howlagalada ciidamadaan ayaa imaanaya kadib markii sadaxdii bishaan May dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar khasaare badan geystay ku qaadeen Saldhiga Ceelbaraf, islamarkaana ku dileen askar badan kuwa kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana sidoo kale shalay ay Al-Shabaab weerar madaafiic ah ku qaadeen deegaanka Miirtaqwa oo ay Saldhig ku leeyihiin ciidanka Burundi una dhaw deegaanka Ceelbaraf.

Dadka ku dhaqan deegaanada hoostaga Mahadaay ayaa cabsi xoogan ka muujinaya dhaqdhaqaaqyada ciidan oo ay kala wadaan dhinacyada isku baacsanaya gacan ku heynta deegaanadada Ceelbaraf iyo Miirtaqwa ee gobolka Sh/dhexe.

Maamulka degmada Mahadaay oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii Al-shabaab ay ku soo qaadeen saldhig ciidanka Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe inay ku barakaceyn dadkii deegaanka intoodii ugu badnaa, isagoo xusay inay u barakaceen deegaano ku yaala duleedyada degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online