4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2022
Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya oo shaaciyay musharraxnimadiisa xilka madaxweynaha Soomaaliya

 

Jimco, May, 6, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdukhaadir Xussen Maxamed Jaahweyn, ayaa xalay magaalada Muqdishu ku shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Musharraxa ayaa saddex arrimood kusoo koobay sababta uu isugu soo taagay xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya, waxaana uu ugu horreysiiyay marxaladda sii xumaaneysa ee dalka uu ku sugan yahay, walaaca siyaasadeed ee joogtada ah iyo ballan fur uu sheegay in si joogta ah ay u sameeyaan hoggaamiyayaasha siyaasadda dalka.

Mudane Cabdukhaadir Jaahweyn, ayaa hoosta ka xariiqay in arrimahaasi ay caddeyn u yihiin in Soomaaliya ay wajaheyso halis weyn oo ka duwan kuwii horay usoo maray.

“Haddaba, anigoo kaashanaya waaya-aragnimadeyda shaqo, gudanaya waajibaadka iga saaran samatabixinta dalkeyga, isla markaana garabsanaya waxgaradka Soomaaliyeed ayaan go’aansaday in aan u istaago in dalka laga badbaadiyo jahawareerka siyaasadeed, lana xaqiijiyo in ummadda Soomaaliyeed hesho Hogaan u qalma, firfircoon, kartina u leh hanashada dalka”, ayuu yiri musharraxa.

Wax-qabadka ugu horeeya ee uu siin doono mudnaanta ayuu ku sheegay sugidda aminga iyo xasilinta dalka, xoojinta cadaaladda & madax-banaanida garsoorka, horumarinta dhaqaalaha & wax soo saarka, baahinta maamullada & dawlad wanaagga, geedi-socodka siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta, kobcinta & daryeelka dhalinyarada iyo xoojinta xiriirka caalamka.

Guddiga isku-dhafka ee soo diyaarinta doorashada madaxweynaha dalka ayaa shalay shaaciyay in 15-ka bishan ay magaalada Muqdishu ka dhici doonto doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, taas oo soo afjari doonta hubanti la’aantii doorashooyinka muddo dhaafka ee dalka Soomaaliya.


Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]