4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2022
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kala hadlay Ururada Buslaha Rayidka arrimaha doorashada Madaxweynaha

Jimco, May, 6, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Maanta hoygiisa kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee Ururadda bulshada rayidka ah, kaasoo looga hadlay kaalinta ay ururada bulshada rayidka ah ka qaadan karaan arrimaha doorashada madaxweynaha dalka oo lagu wado iney dhici doonto 15-ka bishaan May.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa saacadahii lasoo dhaafay waxa uu magaalada Muqdisho ka waday kulamo uu ku dardar galinaayo howlaha qabashada doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku booriyey bulshada rayidka in ay kaalintooda horumarineed ay sii laba jibaaraan, islamarkaana ayna ka qeyb qaataan door wanaagsan oo ku aadan qabsoomida doorashada madaxweynaha dalka.

Ururada bulshada rayidka ee kulanka la qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhankooda uga mahadceliyay kulanka, iyagoona u balan qaaday guddoomiyaha Golaha Shacabka iney garab ku siinayaan inta ay awoodaan qabsoomida howlaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Mudo 9 maalmood ah ayaa ka dhiman waqtiga loo qorsheeyay in la qabto doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, waxaana u sharaxan Musharaxiin kor u dhaafeyaa 20 meeyo oo uu qeyb ka yahay madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo, waxaana xusid mudan in qabsoomida doorashadaan ay soo jiitameysay hal sano ka badan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online