4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2022
Al-shabaab oo weerar madaafiic ah ku qaaday deegaanka Miirtaqwa ee gobolka Sh/dhexe
 

Jimco, May, 6, 2022 (HOL) - Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa Maanta weerar madaafiic ah ay ku qaadeen Saldhig ciidamada Burundi ay ku leeyihiin tuulada Miirtaqawo oo u dhaw deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe.

Dadka deegaanka Miirtaqwa oo la hadlay qaarkood Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in tiro madaafiic ah lagu garaacay Saldhiga deegaanka Miirtaqwa oo ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee ka mid ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen dadka deegaankaasi in ciidamada Burundi ay dhankooda ka jawaab celiyeen weerarka madaafiicda ah ee lagu soo garaacay xerada ay ka dagan yihiin deegaan Miirtaqwa ee gobolka Sh/dhexe.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicda labada dhinac ay isku adeegaadeen, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan khasaaraha ay geysteen madaafiicda ay is weedaarsadeen.

Weerarkaan madaafiicda ah ee Maanta Al-shabaab ku qaadeen Saldhiga deegaanka Miirtaqwa oo u dhaw deegaanka Ceelbaraf ayaa imaanaya xili 3-dii bishaan dagaalamayaasha Al-shabaab weerar khasaare badan geystay ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Burundi ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe, kaasoo ay shabaab sheegteen iney ku dileen 173 askri oo u dhashay dalka Burundi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online