3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2022
Dowladda Mareykanka oo si adag uga hadashay weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka Ceelbaraf
 

Jimco, May, 6, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa si adag u cambaareysay weerarkii 3-dii bishaan ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka sh/dhexe, kaasoo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidamada Burundi ee ka mid ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin deegaankaasi.

War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu tacsi u dirayo ciidanka dalka Burundi, isaga oo ka tacsiyadaynaya khasaarihii ka soo gaaray weerarkii ka dhacay xerada ay ku leyihiin deegaanka Ceelbaraf, kaasoo ay geysteen ururka Al-Shabaab.

Waxuu intaasi ku daray Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka in dalkiisu uu garab taagan yahay ciidanka Burundi, islamarkaana ay si weyn uga xun yihiin weerarkii lagu dilay askarta ka tirsan ciidanka Burundi.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka ay ka go'an tahay inuu weli sii wado taageerada uu siiyo hawlgalka ATMIS iyo ka hortagga dhibaatada argagixisada.

Weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Talaadadii lasoo dhaafay Saldhiga ciidamada Burundi ee deegaanka Ceelbaraf ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay 30 askari waxaana kaga dhaawacantay 20 meeyo kale, sida uu warbaahinta u sheegay Sarkaal ka tirsan ciidanka Burundi, hayeeshee Al-shabaab ayaa dhankooda sheegatay iney weerarkaasi ku dileen 173 askari oo ka mid ahaa ciidamada Burundi ee ku sugnaa Saldhiga ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee gobolka sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
5/6/2022 11:23 AM EST
Jimco, May, 6, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdukhaadir Xussen Maxamed Jaahweyn, ayaa xalay magaalada Muqdishu ku shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

5/6/2022 11:06 AM EST
Jimco, May, 6, 2022 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa weydiisatay hay'adda IMF inay dib ugu dhigto muddo saddex bilood oo dheeraad ah qiimeyn dib u habeynta barnaamijkeeda dhaqaalaha, kaasi oo muddeysan 17-ka bishan May oo ku beegan laba maalmood kadib xiliga doorashada Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya.

5/6/2022 7:26 AM EST
Jimco, May, 6, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Maanta hoygiisa kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee Ururadda bulshada rayidka ah, kaasoo looga hadlay kaalinta ay ururada bulshada rayidka ah ka qaadan karaan arrimaha doorashada madaxweynaha dalka oo lagu wado iney dhici doonto 15-ka bishaan May.

5/6/2022 6:50 AM EST
Jimco, May, 6, 2022 (HOL) - Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa Maanta weerar madaafiic ah ay ku qaadeen Saldhig ciidamada Burundi ay ku leeyihiin tuulada Miirtaqawo oo u dhaw deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe.

5/6/2022 4:26 AM EST
Jimco, May, 6, 2022 (HOL) - Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hakisay dood loo qaban lahaa musharraxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, oo ay soo qaban-qaabinayeen ururka aan dowliga aheyn ee Somalia Debates.

5/6/2022 1:10 AM EST
Jimco, May, 6, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa xalay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ku qabtay doorashada labadii kursi ee ugu dambeysay kuraasta ku dhineyd Hirshabeelle, islamarkaana aheyd guud ahaan labada kursi ee ka harsaneyd kuraasta Golaha Shacabka.

5/6/2022 1:07 AM EST
Jimco, May, 6, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ay weheliyaan guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa kulan la qaatay gudigga Isku dhafka ah ee qabanqaabada Doorashada madaxweynaha Soomaaliya.