4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 5 , 2022
Iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho

Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo Maanta ku dhexmaray degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho askar ka tirasaneyd ciidanka dowladda Soomaaliya.

Iska hor imaadka dhexmaray askarta ka wada tirsaneyd Militariga Soomaaliya ayaa ka dhacay xaafada Tarabuushka oo ka mid ah xaafadaha degmada Wadajir, waxaana la sheegay inuu iska hor imaadka uu dhexmaray askar isku qoys aheyd oo ku dagaalamay is qabqabsi ka bilaawday murum dhuleed.

Inta la xaqiijiyay 2 askari ayaa ku dhimatay is rasaaseynta saakay waxaana ku dhaawacmay laba kale oo ka mid aheyd dhinacyada dagaalka uu ku dhexmaray degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Xaalada Xaafada Tarabuushka ee degmada Wadajir ayaa haatan ah mid dagan, walow dadka xaafadaasi ay wali dareemayaan cabsi ku aadan inuu markale dib u qarxo dagaalka u dhaxeeya askartaan isku qoyska ah, mana jirto weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amaanka iyo masuuliyiinta degmada Wadajir oo ku aadan dhacdadaan sababtay dhimasho iyo dhaawaca.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online