4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 5 , 2022
Haweeney u dhalatay dalka Holland oo lagu helay dambi ah inay Al-Shabaab dhaqaale u aruurineysay
 

Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in haweeney u dhalatay dalka Holland lagu helay dambi ah in ay lacag u aruurineysay kooxda Al-Shabaab.

Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Jessica Aber oo ku sugan gobolka Virginia ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Farhia Hassan oo 38 jir ah lagu helay Talaadadii in ay ku howlanayd in ay taageero agab ah siisay urur argagixiso oo ajnabi ah oo loo aqoonsaday.

Sida ku cad cadeymaha maxkamada, waxaa la sheegay inay katirsanayd  koox haween ah oo ka kala yimid in ka badan 12 wadan, kuwaas oo isku dubariday lacag aruurin loo sameynayay kooxo mayal adag.

Qareenada ayaa sheegay in lacagtaasi ay tahay mid dhan dhowr kun oo dollar oo loogu talo galay in lagu daryeelo askarta Al-Shabaab ee ku dhaawacma dagaalada.

Farhia Hassan  ayaa wajahaysa ilaa 15 sano oo xarig ah marka la xukumo 22-ka July.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]