4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2022
Jigjiga : Xukuumadda degaanka Soomaalida oo cafis u fidisay 221 maxaabiis ah
 

Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Cadaaladda dowlad degaanka Soomaalida Axmed Xaaji Samater, waxa uu Madaxwayne Mustafe cagjar cafis u fidiyay 221 maxaabiis, kuwaas oo ku kala jira jeelasha kala duwan ee Degaanka Soomaalida.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maxaabiista uu Madaxwaynuhu cafiska u fidiyay ay yihiin kuwo buuxiyay shuruudiihii looga baahnaa, sida in markii lasoo daayo aysan khatar ku ahaanayn amniga degaanka iyo bulshadaba, in uu yahay qof ka saxmay wixii loo soo xiray iyo waliba inuu yahay qof waayeel ah oo da'wayn, waa siduu hadalka u dhigay Wasiirka Cadaaladdu.

Waxa kale oo Wasiirku sheegay in maxaabiistan la cafiyayay ay sidoo kale ahaayeen kuwo xukunaa, oo horey xukun ugu dhacay, oo aysan ku jirin kuwa aan wali xukun ku dhicin.

Cafisyada inta badan ay xukuumaddu u fidiso maxaabiista ayaa ku beegnaada munaasabadaha Ciidaha iyo sannadka cusub, iyadoo maxaabiista haatan cafiska loo fidiyay ay siidayntoodu ku soo hagaagtay munaasabadda Ciidul fidriga ee sannadan 2022.

Horey iyo xukuumadihii hore ee degaanka Soomaalida iyo dalkaba ka talin jiray, waxaa cafis loo fidin jiray ama u badnaa dadka la cafinayo maxaabiista Siyaasad u xiran, balse wixii isbaddalka ka dambeeyay maxaabiista lacafiyo kuma jiraan wax siyaasad u xiran, waxayna xukuumaddu in badan ku celcelisay in haatan aan degaanka Soomaalida laga helayn dad Siyaasad u xiran.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]