9/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2022
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
 

Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa magacaabay guddi ka kooban sideed xubnood, isagoona sheegay inay harsan yihiin sadax xubnood oo uu soo magacaabi doono saadaha soo socda, waxaana guddigan lagu daraya 6 xubnood oo ka imaaneysa Golaha Aqalka sare, kuwaas oo dhamaantood ka shaqeyn doono qabashada doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Xubnaha guddiga ee ka kooban sideeda ee uu magacaabay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa ay kala yihiin magacyadooda sida hoos ku xusan:-

1-Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed.

2-Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.

3-Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar.

4-Xildhibaan Maxamed Axmed (Beerey)

5-Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu.

6-Xildhibaan Abdiwahab Abdi Omar (Ananuug)

7-Xildhibaan Cumar yuusuf Khaalib.

8-Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.

Guddigaan Maanta ay kala magacaabeen guddoomiyeyaasha Aqalka Hoose iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda iney si deg deg ah u soo saaraan Jadwalka doorashada laga sugayo iyo dardar gelinta doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
5/4/2022 4:42 PM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa soo dhameystiray sadddex xubnood oo ka dhimanaa guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

5/4/2022 3:59 PM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Cadaaladda dowlad degaanka Soomaalida Axmed Xaaji Samater, waxa uu Madaxwayne Mustafe cagjar cafis u fidiyay 221 maxaabiis, kuwaas oo ku kala jira jeelasha kala duwan ee Degaanka Soomaalida.

5/4/2022 8:01 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban 6 xubnood oo ah guddiga doorashada madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya.

5/4/2022 7:52 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka Golaha Shacabka ay uga arrinsanayeen hanaanka loo wajahayo doorashada madaxweynaha 10-aad ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in shaqada ugu weyn ee hortaala Baarlamaanka Soomaaliya ay tahay doorashada madaxweynaha in loo qabto si deg deg ah.

5/4/2022 5:49 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Safiirka xilka kasii dagaya ee safaaradda Soomaaliya ee Roma, Danjire Cabdiraxmaan Sheikh Ciise, ayaa iska fogeeyay eedeymo kasoo yeeray wasaaradda arrimaha dibadda oo ku saabsan inuu ku takrifal awoodeed ku sameeyay maamulka safaaradda.

5/4/2022 5:30 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Dr Abuukar Aaden Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagusoo dhoweeyay magaalada Muqdisho, isagoo doonaya inuu ka qeyb galo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

5/4/2022 3:14 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa war saxafadeed ay soo saartay waxay ku cambaareysay weerarkii Al-shabaab ay Shalay ku qaadeen Sadhiga ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe, kaasoo geystay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar ka tirsan ciidanka Burundi.

5/4/2022 12:51 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajob ayaa joojiyey dhammaan go’aammada ku saabsan isbeddelada maamul iyo shaqaale ee Hay’adaha Dowladda, inta lagu guda jiro dhammeystirka doorashooyinka.

5/4/2022 12:47 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelandoona kulan wadajir oo ku saabsan doorashada guddiga isku dhafka ah ee qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

5/4/2022 12:44 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Gabadh reer Hargaysa ah, oo u dalxiistagtay magaalo xeebeeda Berbera, ayaa dhimatay kadib markii ay ku qarqoontay badda oo ay ku dabaalanaysay.