4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2022
Labada aqal ee barlamaanka oo dooranaya guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha

Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelandoona kulan wadajir oo ku saabsan doorashada guddiga isku dhafka ah ee qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankaan ayaa ka dhicidoona xarunta aqalka sare, waxaana xildhibaannada labada aqal loo sheegay inay kasoo qeyb galaan kulankan oo ah mid muhiim ah.

Guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha ayaa lagu wadaa in maanta barlamaanka labadiisa aqal uu iska dhexdoorto, islamarkaana isla maanta lagu dhawaaqo jadwalka doorashada madaxweynaha iyo sharuudaha laga rabo musharraxiinta isku diiiwaan galinaysa.

Barlamaanka labadiisa aqal ayaa si wadajir ah u doorandoona madaxweynaha Soomaaliya, waana doorashoyinka dastuuriga ah ee y ku midaysan yihiin labada aqal ee barlamaanka.

Waxaa la filayaa in guddiga doorashada uu bishaan bartamaheeda iclaamiyo qabashada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]