4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2022
Al-shabaab oo shaacisay iney 59 askari kaga dileen ciidanka Burundi Weerarkii ka dhacay Saldhiga deegaanka Ceelbaraf
 

Talaado, May, 3, 2022 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa faahfaahin hordhac ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku bilaawday oo ay saaka aroornimadii hore ku qaadeen Saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe, kaasoo geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Al-shabaab ayaa barahooda Internetka ay ku leeyihiin waxay kusoo bandhigeen khasaaro ay sheegeen inuu hordhaca u yahay weerarkii cuslaa ee saakay ay ciidamadoodu ku qaadeen deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe, iyagoona sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen 59 askari oo ka tirsan ciidamada Burndi ee ka mid ka ah howgalka ATMIS.

"Aroornimadii hore ee saaka oo talaado ah, Labada Shawwaal 1443 oo waafaqsan 03 May, 2022, Mujaahidiinta ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhigga ciidamada ATMIS ee deegaanka Ceel-Baraf ee gobolka Sh/dhexe, Dagaal xoogan kadib, ciidamada Mujaahidiinta ayaa cagta mariyey saldhigga, xilligan hada ah si buuxda ayaan gacanta ugu haya saldhiggaas. xogaha hordhaca ah ee weerarka ayaa tilmaamaya in 59 saliibi lagu dilay weerarkaas, tobanaan kalena lagu dhaawacay" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Al-shabaab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Saraakiisha howlgalka ATMIS iyo dowladda Soomaalya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay aroornimadii hore ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe.

Al-shabaab waxay inta badan weeraro noocaan oo kale ah ay la beegsata xarumaha iyo Saldhigyada ay ku sugan yihin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online