4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2022
Askari gabadh dhalinyaro ah ku dilay magaalada Hargaysa

Talaado, May, 3, 2022 (HOL) - Askari ka tirsan ciidanka Maxkamada Sare ee Somaliland, ayaa toogasho ku dilay Najma Cabdillaahi Maykal oo ka tirsanayd shaqaalaha wasaarada beeraha.

Sida goob-joogayaal warbaahinta u sheegeen askariga ayaa gabadha xabada ku furay xili ay maraysay agagaarka maxkamada oo madaxtooyaduna ka ag dhowdahay, iyada oo booqanaysay habaryarteed.

Hadaba Najma abaheed oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in uu askarigu u hiilinayay walaashii oo ay Najma is afdhaafeen, sidaa darteeda uu u dilay "Walaashii ayay is dileen oo uu u aarayay, hiil ayuu ahaa".

Ciidamada ayaa isla markiiba gacanta kusoo dhigay askariga dilka gaystay, oo isku dayay in uu baxsado kadib markii uu gabadha xabada ku dhuftay.

Ciidanka booliiska ayaa baadhaya sababta dhabta ah ee dilka dhalisay, dhinaca kalena gabadha dhimatay abaheed ayaa codsaday in askariga dilka gaystay caddaalada la mariyo.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online