4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2022
Qodobo muhiim ah oo laga gaaray khilaafka dhex yaala Soomaalida iyo Canfarta

Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafka dhex yaalla labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Jig-jiga, ayaa soo saaray qodobo muhiim ah, oo xal u noqon kara khilaafaadka dhex yaal labada degaan.

Qodobada la isku afgartay ayaa waxaa kamid ahaa, In la kala qaado labada ciidan meelahay isku hor fadhiyaan, isla markaana la sameeyo goobo ka caaggan ciidamada. In la qabto kulamo la isugu soo dhawaynayo shacabka degaannada Soomaalida iyo Canfarta.

Sidoo kale waxaa iyana la isku afgartay in dadkii barakacayaasha ahaa ee dhibaatadu soo gaartay dib loogu celiyo goobahoodii, iyo in dib u dejin loo sameeyo, iyadoo arrintan ay iska kaashan doonaan xukuumadda Federalka iyo labada dowlad degaan.

Qodobka u dambeeya ee isna la isku afgartay ayaa ah In xal waara laga gaadho sababta keenaysa ama ka dambaysa khilaafka soo noqnoqonaya ee u dhaxeeya degaannada Soomaalida iyo Canfarta, iyadoo qodobkan guddi gaar ah loo saaray si ay xal uga gaaraan.

Qodobadan ayaa haddii ay siday yihiin u hirgalaan waxaa xal waara laga gaari doonaa, khilaafka iyo isku dhacyada inta badan u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta, iyadoo labadan shacab ay yihiin kuwo aad isugu dhaw dhanka dhaqanka, diinta iyo nolosha kaleba.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]