4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2022
Qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya oo wajahaya cadaadis isa soo taraya oo kaga imaanaya dowladda Turkiga
 

Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Xubno ka tirsan ururka xuquuqul insaanka ee İHD ee ka jira dalka Turkiga, ayaa booqday qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya ee ku sugan magaalada caasimadda ah ee Ankara, kuwaas oo la kulmay cadaadis lagu xirayo dukaamadooda.

Fatin Kanat, oo ah gudoomiyaha Ankara ee İHD, ayaa yiri, "Haddii aan wada jirno, si fudud ayaan uga gudbi doonaa arrintan," isagoo xusay inay kala hadli doonaan hay'adaha ay khuseyso xaaladda qaxootiga Soomaalida.

Qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya ayaa ganacsiyo ku leh inta badan waddooyinka Sümer 1 iyo Sümer 2 ee xaafadda Kızılay.

Ganacsiyadooda waxaa ka mid ah shirkadaha la-talinta, iyo sidoo kale makhaayadaha iyo kafateeriyada.

Ololaha ka dhanka ah qaxootiga dibadda ka yimid, ayaa saameyn ku yeeshay dukaamada ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, arrintaas oo warbaahinta dalkaas ay si aad ah uga faalootay.

"Boolisku waxay dhibaato ka geystaan Kızılay kaliya. Saraakiisha booliisku waxay beegsadeen dukaamada Soomaalida oo noqday kuwa aad loogu xiran yahay cuntadooda maalin walba, lana kulma hanjabaad joogto ah,” ayuu yidhi, ururka xuquuqul insaanka ee İHD.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]