4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2022
Hoggaamiyaha TPLF oo shacabka Tigray ugu baaqay Dagaal ka dhan ah dowladda Itoobiya
 

Khamiis, May, 12, 2022 (HOL) - Hoggaamiyaha TPLF Debretsion ayaa shacabka go'doonsan ee Tigray ugu baaqay inay u diyaar garoobaan duulaan ka dhan ah dowladda Itoobiya, isagoo duulaankan ugu magac daray Cutubkii u dambeeyay ee halganka.

Hoggaamiyuhu waxa uu sheegay in waxa ku sababaya dagaalkan uu yahay, maadaama wali go'doon sanyahay gobolka Tigray, isla markaana wali shacabku aysan helin waxyaabihii nolosha Aasaasiga u ahaa, sida Biyaha, Korontada iyo waxyaabaha lamidka ah.

Dowladda Itoobiya ayaa horey u sheegtay in gobolka Tigray la gaarsiinayo gargaarka degdegga ah, iyo waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah ee ay shacabka Tigray u baahan yihiin, balse hoggaaminta TPLF ayaa geestooda sheegaya in wali gobolka Tigray xayiraadii saaran tahay.

Kooxda TPLF ayaa ka sokow dowladda Itoobiya, waxa kale oo culays ka haystaa dhinaca Eritariya oo deris la ah gobolka Tigray, walina waxaa jira colaad dhanka xuduuda ah oo u dhaxaysa Kooxda TPLF iyo ciidamada dowladda Eritariya.

GobolkaTigray oo inbadan ay ka socdeen dagaallo lagu hoobtay, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa uu gobolkaasi wajahayay macaluul middii u darnayd, iyadoo inta badan gobolkaasi ay wali ka maqan yihiin adeegyadii aasaasiga ahaa.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]