4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2022
Faahfaahin ku saabsan weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay bar kantarool oo ku dhow garoonka Aadan Cadde

Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Inta la xaqiijiyay 3 ruux oo labo kamid ah ay yihiin Askar katirsan Ciidanka dowaldda ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay agagaarka bar laga hubiyo gaadiidka u gudba garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Urur Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda warkaan, iyadoo sheegay in qaraxa lagu bartilmaameedsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen madax katirsan dowladda Federaalka kuwaas oo kusii jeeday Teendhada Afisyooni, halkaas oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Alshabab waxay sheegeen in weerarkan uu ahaa weerar ismiidaamin ah oo ay kusoo beegeen xilli ciidanka ATMIS lagu wareejiyay Afisyooni iyo hareeraheeda, ammaankana si aad ah loo adkeeyay.

Weli laamaha ammaanku kama aysan hadlin qaraxaan, xilli xalay war kasoo baxay guddoonka barlamaanka lagu faray laamaha amniga ee dowladda inay ka hor tagaan weerar kaste oo Alshabab qorsheynayaan inay ka geystaan magaalada Muqdisho gudaheeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]