3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2022
Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha oo goordhaw ka bilaabaneysa magaalada Muqdisho
 

Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka bilaabato hadal jeedinta Musharaxiinta isku diiwaan galisay doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

20 ka mid ah 39-ka Musharax ee is diiwaan galisay sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa Maanta khudbadahooda ka hor jeedin doono Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, halka 19-ka Musharax ee kalana ay khudbadahooda jeedin doonaan maalinta berito ah.

Guddiga doorashada madaxweynaha 10-aad ee dalka oo shalay soo saaray jadwalka hadaljeedinta Musharaxiinta ayaa Musharax walba waxay siyeen 15 daqiiqo oo uu kusoo jeedinayo sooyaalkiisa, waxyaabaha lagu dooranayo iyo balanqaadyada ay sameyeen siyaasiyiinta sida caadada u ah waqtiyada doorashada ay galayaan.

Guddiga doorashada ayaa sidoo kale ka dalbaday Musharaxiinta madaxweynaha iney ilaaliyaan waqtiga loo siiyay iney kuso jeediyaan khudbadahooda, islamarkaana Musharax walba ay tahay inuu raaco habraaca loogu talo galay.

Hadal jeedinta Musharaxiinta ayaa loogu talo galay Maanta iyo berito oo taariiqdu tahay 11-12 bishan May, waxaana maalmaha Jimcaha iyo Sabtiga ay noqonayan laba maalmood oo diyaar garoow ah iyo maalinta Axada ah ee taariiqdu tahay 15-ka bishaan May ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
5/11/2022 11:04 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw soo gabagaboobay hadal jeedinta maalinta koowaad ee Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana Maanta khudbadahooda ka hor jeediyay Xildhibaanada labada Aqal 20 Musharax oo mid ah 39-ka Musharax ee isku diiwaan galiyay tartanka doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

5/11/2022 10:25 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Wariyaasha madaxa banaan ee ka howlgala magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa shir jaraa'id oo ay qabteen waxay ku sheegeen in loo diiday Maanta iney gudaha u galaan hoolka loogu talo galay in lagu qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ay Maanta ka socotay hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha 10-aad ee dalka.

5/11/2022 8:47 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Afhayeenka ciiddanka Booliiska Soomaaliya gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay inay todobo qof ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta barqadii ka dhacay wadada KM4 ee lagu baaro dadka u socda garoonka Aadan Cadde.

5/11/2022 8:21 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayay munaasibad lagu qabtay Jaamacada Hargaysa, ayaa doqoniimo ku tilmaamay in dadka reer Somaliland ay u ordaan doorashooyinka Soomaaliya.

5/11/2022 6:29 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa markale si kasoo horjeeda shakiga ay mucaaradku ka qabaan in doorashada madaxtooyadu dib u dhacdo, sheegtay in doorashada wakhtigeeda lagu qabanayo.

5/11/2022 6:24 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Shirkadda Cumar Sabriye Engineering Company oo ka shaqeysa howlaha dabka iyo badqabka korontada, ayaa shalay lagu daah-furay magaalada Muqdisho.

5/11/2022 5:01 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Inta la xaqiijiyay 3 ruux oo labo kamid ah ay yihiin Askar katirsan Ciidanka dowaldda ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay agagaarka bar laga hubiyo gaadiidka u gudba garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

5/11/2022 3:22 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Dhawaqa qarax ayaa laga maqlay nawaaxiga isgoyska KM-4 gaar ahaan waddada aada garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho.

5/11/2022 1:10 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Sheikh Aadan Madoobe ayaa sameeyay magacaabistii ugu horreysay tan iyo markii loo doortay xilka guddooomiyaha barlamaanka, 28-kii Abril.

5/11/2022 1:00 AM EST
Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Hogagamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa ballan qaaday in uu xoojin doono xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, si buu yiri loo hormariyo dhaqaalaha Kenya.