4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 10, 2022
Diiwaan gelinta Musharaxiinta madaxweynaha oo lasoo gabagabeeyay iyo jadwalka hadal jeedintooda oo la shaaciyay
 

Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa Galabta soo gabagabeeyay diiwaan galinta Musharaxiinta madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya oo socotay sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay.

Maanta oo aheyd maalintii sadaxaad ee diiwaan galinta musharaxiinta madaxweynaha waxaa is diiwaan galiyay 7 Musharax oo kala ah Siciid Cabdullaahi Dani, Maxamed Cabdiraxmaan Cali, Taabit Cabdi Maxamed, Cabdi Cali Xasan, Cismaan Xasan Wehliye, (Xasan Bariise), Zakariye Xaaji Maxamuud iyo Maxamed Amiin Faarax.

Guddiga ayaa diiwaan galiyay mudada sadaxda maalmood ah ee diiwaan gelinta ay socotay 39 Musharax oo isku soo taagay tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo dhamaantood qaatay shahaadada musharaxnimo, kadib markii ay buuxiyeen sharuudahii looga baahnaa.

Musharaxiinta is diiwaan galisay waxaa ka mid ah madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo, madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, Raysal wasaareyaal hore, siyaasiyiin caan ah iyo xubno kale oo ku cusub saaxada siyaasada dalka.

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyay magacyada 20 Musharax ee maalinta berito ah khudbadahooda ka horjeedin doona labada Gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, waxaana Musharax walba loo qorsheeyay inuu khudbadiisa kusoo koobo mudo 15- daqiiqo ah.

Hoos ka Akhriso Magacyada Musharaxiinta la shaaciyay ee berito jeedinaya khudbadahooda:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online