4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 10, 2022
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeer ku tagay hoolka lagu qabanayo doorashada Madaxweynaha
 

Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Maanta kormeer ku tagay xarunta lagu qabanayo doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maalinta berito ah ay ka bilaabaneyso hadal jeedinta musharaxiinta madaxweynaha.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kormeerkiisa waxa uu ahaa mid uu indha indheyn iyo qiimeyn ugu sameynaayay teendhada Afisyooni oo ah goobta lagu qabanaayo doorashada madaxweynaha oo ay haatan ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro doorashada madaxweynaha.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa gudaha teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwa amniga Soomaaliya, isagoona faray Saraakiisha in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala galay in ciidamada amaanka ay ku shaqeeyaan, waxuuna amray saraakiisha ciidamada in aysan dadka ku xadgudbin oo si hagar la'aan ah ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online