4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 3 , 2022
Mareykanka, Nin dhaqtarkiisa iyo dad kale ku dilay magaalada Tulsa ee gobalka Oklahoma
 

Jimco, Juun, 3, 2022 (HOL) - Nin magaciisa lagu sheegay Michael Louis, ayaa la sheegay in 4 qof oo uu ku jiro dhaqtar dhawaan qaliin ku sameeyay uu ku dilay Isbitaalka ku yaalla magaalada Tulsa ee gobalka Oklahoma.

Sida uu xaqiijiyay Wendell Franklin oo ah taliyaha bilayska Tulsa oo shir jaraa’id qabtay. Louis wuxuu toogtay Dr. Preston Phillips oo qaliin dhabarka ah ku sameeyay 19-kii Maajo, balse ninka wax dilay ayaa la ogaaday in dhowr jeer uu soo wacay isbitaalka isaga oo ka cabanaya xanuun – isla markaasna doonaayo daaweyn dheeri ah, sida uu sheegay Franklin.

Dadka kale dadka uu dilay Michael Louis waxay kala ahaayeen:- Dr. Stephanie Husen, Amanda Green iyo William Love. Wuxuuna dhammaantood ku toogtay dhismaha Isbitaalka Saint Francis ee Tulsa, ayuu mar kale yiri Franklin.

Booliisku waxay sheegeen inay heleen warqad ay aaminsan yihiin in tuhmanuhu uu qoray, oo si faah-faahsan u sheegeyso in la dilaayo dhakhtarka qaliinka sameeyay iyo qof kasta oo jidkiisa ka hor yimaado.

Sidoo kale bilaysku waxay xaqiijiyeen in meydka Michael Louis oo rasaas ay ku taalo laga heleen goobta falku uu ka dhacay, waxayna u maleynayaa in uu isdilay ka dib dhacdadaas.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa khudbad uu jeediyay fiidnimadii Khamiista, wuxuu ku baaqay in la meel mariyo sharci si loo dhimo rabshadaha hubka, maadaama dhawaanahaan siyaabo kale dad badan loogu kala dilay gobalada New York, Texas iyo Oklahoma..

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected]