4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 22, 2022
Imaaraatka carabta oo $20 million ugu deeqay gurmadka abaaraha Soomaaliya

Arbaco, Juun, 22, 2022 (HOL) - Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka.

Madaxweynaha dowladda Imaaraatka ayaa kulankan kaga dhawaaqay inay Soomaaliya ugu deeqeen $20 million oo ay ugu talo galeen in dowladdiisu uga qeyb qaadato gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale ballanqaaday in ay Muqdisho dib uga furidoonto isbitaalkii Sheikh Sayid, in shirkaddaha duulimaadyada dalkiisa ay dib u bilaabi doonaan duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalada Muqdisho iyo in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo fiisaha dal ku galka dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraatka, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isagoo sheegay in dowladdiisu ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan sheilkh ayaa safarkiisii ugu horreeyay ku tagay dalka Imaaraatka oo kamid ah waddamada saamaynta ku leh Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]