4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 22, 2022
Al-shabaab oo qaraxyo ku burburisay xarun Isgaarsiineed oo ku taala gudaha dalka kenya

Arbaco, Juun, 22, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Rhamu ee ismaamulka Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab weerar ay ku qaadeen degmadaasi ay ku burburiyeen xarun Isgaarsiineed oo ku taala degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga dalka Kenya ayaa sheegay iney maqleen jug xoogan oo ka dhaceysay deegaanka Kawaanka, hayeeshee markii dambe ay ogaadeen in jugta ay aheyd mid lagu burburinaayay xarun Isgaarsiineed oo ay leedahay Shirkada Safaricom oo ku taalay deegaankaasi.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in iska hor imaad kooban uu dhexmaray Al-shabaab iyo xubno ka mid ahaa ilaaladii xarunta la weeraray, hayeeshee aanan la ogeyn khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka dhexmaray.

Taliyaha Booliska Waqooyi bari Kenya George Seda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo badan oo Boolis ah si ay uga daba tagaan ragga weerarka geysatay oo u baxsaday dhanka xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah ku qaada deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Waqooyi bari Kenya, kuwaas oo mararka qaar geysta khasaare kala duwan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online