3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 21, 2022
Puntland: Wasiirka caafimaadka oo xaqiijiyay in la lunsaday 300 kartoon oo ah Buskutka nafaqaynta carruurta
 

Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Wasiirka caafimaadka maamulka Puntland, Jaamac Faarax Xasan ayaa xaqiijiyay in la lunsaday 300 kartoon oo ay ku jireen Buskutka Plumpy Nut, oo loo isticmaalo in lagu daweeyo nafaqo-xumada ba'an ee carruurta yaryar.

Lunsashada Buskutkan ayaa kusoo aaday xilli baahi weyn loo qabay isticmaalkiisa, iyadoo abaaro ba’ani ka jiraan Puntland ayna carruur badan la ildaran yihiin nafaqo darro.

Wasiirka caafimaadka ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in shaqaale kamid ah kuwa waardiyayaasha wasaaradda caafimaadka xarunteeda dhexe ee Garowe, ay u dhaceen mid kamid ah bakhaarada kaydka Buskutka.

Kiiskaan oo dhacay muddo labo bilood ka hor ayuu sheegay wasiirku inay horey ka ogaadaan dadka falkaas ku lug leh. Wuxuu sheegay in kaamerooyinka wasaaradda laga helay macluumaadka ku saabsan cidda la baxday Buskutka.

Wuxuu iska fogeeyay inay masuuliyiintu ku lug leeyihiin arrintaan, isagoo sheegay inay haatan socoto baaris iyo sidii shaqaalaha dambigaas galay loogu qaadi lahaa maxkamad.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/21/2022 3:08 PM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Cayaaryahanka Romelu Lukaku ayaa dib ugu soo laabtay Inter Milan ka dib markii kooxda reer Talyaani ay wadahadalo muuqaal ah oo saddex saacadood qaatay ay la yeelatay kooxda Chelsea.

6/21/2022 12:44 PM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Kooxda Futsal ee dalka Morocco ayaa 16-0 kaga badisay kooxda Futsalka Soomaaliya oo ay wada cayaareen koobka Futsal ee wadamada Carabta, kaas oo ka socda Saudi Arabia.

6/21/2022 7:52 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada qalabka ee Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 4 kamid ah shabakad katirsan Alshabaab, kuwaas oo qaraxyo iyo dilal madax jabis ah ka geysan jirey Boosaaso.

6/21/2022 7:44 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Kadib kulan ay yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddidii isku xilqaantay xalinta khilaafka doorashada, ayaa isku afgartay in qorshaynta howsha xalinta khilaafka loo daayo golaha guurtida.

6/21/2022 1:57 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Xalay ka dhacay Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee duuleedka magaalada Muqdisho.

6/21/2022 1:48 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa lasoo taagay afar nin oo ku eedeysan inay katirsanaayeen shabakad kooxaha Daacish iyo Ashabaab, kuwaas oo magaalada Bosaso ka geysan jiray qaraxyada iyo dilalka.

6/21/2022 12:56 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu doonayay in golaha wakiiladu diidaan xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka.

6/21/2022 12:48 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Maxamed Axmed Faarax (Aflahaar), oo ahaa guddoomiyihii xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID ee gobolka Sool, ayay dablay hubaysani xalay ku dileen magaalada Laascaanood.