4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2022
Golaha Wakiilada Somaliland oo cod u qaaday guddida doorashooyinka ee cusub
 

Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa codka kalsoonida siiyay 4 xubnood oo kamid ah 7 xubnood oo dhawaan losoo xulay in ay noqdaan Guddida Doorashooyinka Somaliland.

4-ta xubnood ee goluhu ogolaaday ayaa kala ah Faadumo Ismaaciil Cabdi oo golaha guurtidu soo magacaabeen waxayna heshay dhamaan codka 67 mudane oo fadhiga kasoo xaadiray, Cabdicasiis Xirsi Warsame oo xisbiga Waddani ka socda ayaa helay 49 cod,  Xuseen Cabdi Cali oo madaxweynuhu soo magacaabay ayaa helay 45 cod,  Ibraahin Aadan Cali oo xisbiga UCID soo magacaabay ayaa helay codadka 69 mudane oo marka fadhiyay.

3-da xubnood ee goluhu diiday ayaa  kala ah Muuse Xasan Yuusuf oo madaxweynaha Somaliland soo magacaabay oo helay 33 cod, Axmed Cismaan Xasan oo madaxweynuhu soo magacaabay oo helay 39 cod, Axmed Yuusuf Maxamed oo galaha guurtidu soo magacaabeen oo isna helay 39 cod.

Golaha ayaa ogolaaday labadii xubnood ee ay xisbiyada mucaaradku soo magacaabeen, xubin golaha guurtida ka socota iyo xubin madaxweynuhu soo magacaabay, waxaana codka kalsoonida waayay 2 xubnood oo kamid ah 3-dii xubnood ee madaxweynuhu magacaabay iyo xubin golaha guurtidu soo magacaabay.

Guddidan cusub ayaa si dhakhso ah losoo magacabay kadib markii ay dhawaan gabi ahaanba meesha ka baxday guddidii hore ee doorashooyinka Somaliland, khilaaf xubnaha soo kala dhexgalay awgii.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]