3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2022
Dowladda Shiinaha oo maanta shaacisay inay Soomaaliya keenayso 600 tan oo raashin ah

Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Shiinaha ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday heshiis gargaar loogu soo dhoofinayo Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa sheegay inay gurmadka abaaraha uga qeyb qaadanayaan 600 tan oo raashin ah oo loogu talo galay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeem.

Wasiirka gargaarka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dowladda Shiinaha uga mahad celisay kasoo jawaabida qeylo dhaanta abaaraha ee ay dowladda Soomaaliya caalamka udirtay.

Wasiir Khadiija waxay sheegtay in dad gaaraya 7.1 million oo Somaaliyeed ay abaarta aad ula ildaran yihiin, kuwaas oo u baahan gurmad degdeg ah.

Safiirka Shiinaha waxa uu sheegay in heshiiska kadib ay si degdeg ah usoo raridoonaan gargaarka cunto ee ay ugu deeqeen dadka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay dalkiisa inay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka caawiyaan arrimaha gargaarka bini'aadinimada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/20/2022 10:55 AM EST
Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Sida ay Warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ah, ku dhawaad 300 oo qof oo Axmaaro u badan ayaa lagu dilay dalka Itoobiya, gaar ahaan degaanka Oromiya, goobta lagu magacaabo Gimbi oo ay degaan qawmiyadda Axmaaradu, waxaana lagu eedeeyay Jabhadda Oromada ah ee OLA.

6/20/2022 10:10 AM EST
Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani'aadannimada iyo gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa safar shaqo maanta ku tagay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

6/20/2022 7:43 AM EST
Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxman Ducaale Beyle, ayaa been abuur ku tilmaamay in qasbada dowladda ay ka buuxdo lacago badan oo ay ka tagtay dowladdii uu katirsanaa.

6/20/2022 6:55 AM EST
Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa codka kalsoonida siiyay 4 xubnood oo kamid ah 7 xubnood oo dhawaan losoo xulay in ay noqdaan Guddida Doorashooyinka Somaliland.

6/20/2022 4:48 AM EST
Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab si xoog ah kula wareegtay maamulka Isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur, halkaas oo ay dhigeen dhaawacyo aad u badan oo dagaalyahano ka tirsan Shabaab ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Baxdo.

6/20/2022 2:13 AM EST
Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaynta Booliiska Somaliland ee ah in madaxda xisbigu ay qorteen ilaalo shacab hubaysan ah.

6/20/2022 2:03 AM EST
Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto xaalada nafaqadaro ah oo mareysa heerkii ugu darnaa abid.

6/20/2022 1:34 AM EST
Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash, ayaa u diiday inuu shir kala qeyb galo wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo kamid ahaa saddexdii wasiir ee uu xilka ka qaaday 5tii bishii may.