3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2022
Al-shabaab oo si xoog ah kula wareegtay Isbitaalka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud
 

Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab si xoog ah kula wareegtay maamulka Isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur, halkaas oo ay dhigeen dhaawacyo aad u badan oo dagaalyahano ka tirsan Shabaab ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Baxdo.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Ceelbuur oo codsaday in magacyadooda la adeegsan ayaa warbaahinta u sheegay in degmadaas la geeyey meydadka 37 ka mid ah dagaalyahanadii weerarka ku qaaday deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud Jimcihii lasoo dhaafay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadkii kale ee bukaanada ahaa laga saaray gudaha Isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur, waxaana la sheegay in dadka deegaanka amar lagu siiyay inay u soo dhawaan isbitaalka, lama oga tirada rasmiga ah ee dhaawacyada Al-shabaab ay dhigeen Isbitaalka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Isbitaalka degmada Ceelbuur oo aan horay u shaqey jirin ayaa dhowaan waxaa dib u howl geliyey dadka deegaanka oo isku tashaday, hayeeshee Al-shabaab ayaa hadda la wareegtay gacan ku heynta maamulka Isbitaalka degmadaasi.

Hiiraan Online News Disk












Click here
6/20/2022 10:55 AM EST
Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Sida ay Warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ah, ku dhawaad 300 oo qof oo Axmaaro u badan ayaa lagu dilay dalka Itoobiya, gaar ahaan degaanka Oromiya, goobta lagu magacaabo Gimbi oo ay degaan qawmiyadda Axmaaradu, waxaana lagu eedeeyay Jabhadda Oromada ah ee OLA.

6/20/2022 10:10 AM EST
Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani'aadannimada iyo gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa safar shaqo maanta ku tagay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

6/20/2022 7:43 AM EST
Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxman Ducaale Beyle, ayaa been abuur ku tilmaamay in qasbada dowladda ay ka buuxdo lacago badan oo ay ka tagtay dowladdii uu katirsanaa.

6/20/2022 6:55 AM EST
Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa codka kalsoonida siiyay 4 xubnood oo kamid ah 7 xubnood oo dhawaan losoo xulay in ay noqdaan Guddida Doorashooyinka Somaliland.

6/20/2022 6:26 AM EST
Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Shiinaha ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday heshiis gargaar loogu soo dhoofinayo Soomaaliya.

6/20/2022 2:13 AM EST
Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaynta Booliiska Somaliland ee ah in madaxda xisbigu ay qorteen ilaalo shacab hubaysan ah.

6/20/2022 2:03 AM EST
Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto xaalada nafaqadaro ah oo mareysa heerkii ugu darnaa abid.

6/20/2022 1:34 AM EST
Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash, ayaa u diiday inuu shir kala qeyb galo wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo kamid ahaa saddexdii wasiir ee uu xilka ka qaaday 5tii bishii may.