4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2022
Xisbiga Waddani oo ka jawaabay eedaynta ah in uu haysto ciidan shacab hubaysan ah
 

Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa waxba kama jiraan  ku tilmaamay eedaynta Booliiska Somaliland ee ah in madaxda xisbigu ay qorteen ilaalo shacab hubaysan ah.

Xogeeyaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Maxamuud Aadan Gallaal, oo waraysi gaar ah siiyay idaacada BBC Somali, ayaa booliiska ku eedeeyay in ay baahiyeen xog kutiri-ku-teen ah, oo aan sal iyo raad midna lahayn.

"Hadii booliisku xog helo in la hubiyo weeyaan, xogtii ay heleen oo waxba kama jiraan ahayd oo aan sal iyo raad toona lahayn, ayay booliisku sii daayeen, waxay taasi ku xad gudubtay xuquuqda muwaadinka ama musharaxayaga xisbiga Waddani, booliiskana waxa laga rabaa caddaymaha" ayuu yidhi Gallaal.

Dhinaca kale, guddoomiyaha xisbiga kale ee mucaaradka Somaliland ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta la hadlay Axadii shalay, ayaa sheegay in xisbiga Waddani uu haysto ilaalo shacab ah oo hubaysan, kadib markii ay madaxda xisbigu amaankooda u baqeen.

Booliiska Somaliland ayaa warbixin ay baraha bulshada ku baahiyeen Sabtidii ku sheegay in madaxda sare ee xisbiga Waddani, ay haystaan ciidamo shacab hubaysan ah oo sharci daro ah.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]