3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 2 , 2022
Madaxweynaha Somaliland oo qaabiley Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya
 

Khamiis, Juun, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Safiirada Midowga Yurub iyo Sweden ee Soomaaliya Amb. Tiina Intelmann iyo Amb. Per Lindgarde oo kulan ku yeeshay Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka wadahadlay doorashooyinka iyo abaaraha, sidookale waftiga ayaa la kulmay madaxda axsaabta mucaaradka.

"Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh Somaliland iyo abaaraha ku soo wajahan Geeska Afrika, gaar ahaan abaarta ku soo noq-noqotay Somaliland iyo sidii ay midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen mustaqbalka iyo kor u qaadidda  iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Midowga Yurub" ayaa lagu yidhi warbixn madaxtooyada kasoo baxday.

Inkasta oo madaxtooyadu anay bixin faah faahin ka badan in labada dhinac kawada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo abaaraha, kulan ay safiiradu la yeesheen axsaabta mucaaradka ah ayaa lagu sheegay in ay walaac ka muujiyeen khilaafka doorashooyinka, waxayna soo jeediyeen in  wadahadal lagu dhameeyo.

"Midowga Yurub ayaa welwel iyo walaac ka muujiyey khilaafka siyaasadeed ee dhex yaala xukuumadda talada haysa iyo asxaabta qaranka, gaar ahaanna arrimaha la xidhiidha doorashooyinka ... waxay soo jeediyeen in khilaafka xukuumadda iyo asxaabta qaranka dhexdhexaadin iyo wada-hadal lagu xaliyo" ayaa lagu yidhi war bixin xisbiga Waddani kaga hadlay kulanka.

Axsaabta mucaaradka ah ayaa sidookale waftiga safiirada ah u caddeeyay go'aan kooda ku aadan khilaafka doorashada oo ah in anay aqbalay in ay jirto doorasho kasoo horaysa doorashada madaxtooyada.

Waftigan safiirada ah ayaa kulamo gooni gooni ah oo diirada lagu saarayo khilaafka doorashada la yeeshay madaxweynaha Somaliland, wasiirka arrimaha guddaha iyo axsaabta mucaaradka ah.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online












Click here
6/2/2022 10:35 AM EST
Khamiis, Juun, 2, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in aanu waxba kala socon xaalada sicir-bararka.

6/2/2022 10:08 AM EST
Khamiis, Juun, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxaana garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb si weyn ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, masuuliyiin kale iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

6/2/2022 7:19 AM EST
Khamiis, Juun, 2, 2022 (HOL) - Dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa isku raacay in si buuxda loo hawlgeliyo ciidamada heeganka ah ee Afrika si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee qaaradda Afrika.

6/2/2022 3:28 AM EST
Khamiis, Juun, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta soo gabagabeynaya socdaalka uu ku joogo koonfur Galbeed, ayaa ku wajahan magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.

6/2/2022 1:53 AM EST
Khamiis, Juun, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku eedeeyay ururka Alshabaab inay dadka ku gobolka Baay u diideen inay wax tabcadaan, isagoo sheegay inay masuul ka yihiin inay dadku gacmahooda hoorsadaan.

6/2/2022 1:44 AM EST
Khamiis, Juun, 2, 2022 (HOL) - Maleeshiyo beeleed hubeysan ayaa Xalay laba ruux oo isku qoys ahaa ku dilay duuleedka degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

6/2/2022 1:38 AM EST
Khamiis, Juun, 2, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland oo ka hadashay ciidamo uu mamulka Puntland usoo diray magaalada Buuhoodle, ayaa sheegtay in anay diyaar u ahayn in ay ciidanka la dagaalanto.