4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 2 , 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh: Waxaan soo aragnay dad ay Alshabaab u diideen inay wax tabcadaan, oo ku khasbeen inay gacmaha hoorsadaan
 

Khamiis, Juun, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku eedeeyay ururka Alshabaab inay dadka ku gobolka Baay u diideen inay wax tabcadaan, isagoo sheegay inay masuul ka yihiin inay dadku gacmahooda hoorsadaan.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo shalay booqasho ku tagay deegaanno hoos yimaada magaalada Baydhabo oo ay abaaruhu si aad ah u saameeyeen wuxuu sheegay ururka Alshabab inay dadka ku khasbeen in beer falashada gacmaha kala baxaan, haddii aysan bixin lacago.

"Dad sharaf, karaamo iyo cisi leh oo xor ah oo isla weyn oo deegaankooda deggen oo isu filan, ayaa lagu khasbay inay kaalmo bini’aadinimo ku tiirsanaadaan, markii ay ka baqeen inay iyaga iyo carruurtooda halis gasho," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay jidka kaliya ee Soomaaliya u furan inuu yahay in Alshabaab la iska dulqaado, si buu yiri loosoo celiyo sharafka dadka Soomaaliyeed ee ku hoos nool xukunkooda.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka sheegay musaabad xalay ka dhacday magaalada Baydhabo, taasoo uu kusoo gabagabeynayay socdaalkiisii uu ku joogay Koonfur Galbeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]