4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 18, 2022
Bankiga Adduunka oo $100 Milyan ugu yaboohay Soomaaliya

Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxda Bankiga Adduunka ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa hay’addaha deymaha bixiya iyo madaxda federaalka Soomaaliya.

Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya siin doona $100m 12-ka bilood ee soo socda si wax looga qabto arrimaha mudnaanta u leh dowladda, sida ay sheegtay agaasimaha Bangiga Adduunka, Ms. Kristina Svensson.

Ms. Kristina Svensson ayaa ku ammaantay madaxweynaha sida ay uga go’an tahay in uu dib u habeyn ku sameeyo maaliyadda dalka.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdiisa ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhalinyarada, isagoo ku booriyay Bankiga Adduunka in uu gacan ka geysto casriyeynta hanaanka shaqo iyo adeeg ee dowladda federaalka.

Bangiga Adduunka ayaa horey u ansixiyay xirmo lacageed oo dhan $385m si loogu caawiyo dhibaatooyinka ka jira dowladaha Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Jabuuti iyo Koonfurta Suudaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]