3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 17, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh "Reer Baxdo waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisada idin soo weerartay"
 

Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka deegaanka Baxdo ee gobolka Galguduud, sida naf hurnimada leh oo ay isaga difaaceen dagaalamayaasha Alshabaab oo saakay aroornimadii hore weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday deegaankaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in khasaaraha xooggan ee bulshada Baxdo iyo ciidanka Xoogga dalka ay gaarsiiyeen Al-shabaabka soo weeraray ay muujinayso sida Shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in si geesinimo iyo nafhurnimo leh iskaga dulqaadaan dhibaatada Al-shabaab ay ku hayaan.

“Reer Baxdo, waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisada idin soo weerartay. Waxaad dirteen farriin xambaarsan geesinimo oo muujinaysa in ay gabaabsi marayaan maalmihii argagixisda ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalkeenna, si ay u dhibaateeyaan dadkeenna birma geeydada ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Gabagabadii Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa Alle Jannatul Firdowsa uga baryey muwaadiniintii Maanta ku geeriyootay weerarkii Baxdo, iyagoo difaacaya dhulkooda iyo dadkooda, isagoona caafimaad deg deg ah u rajeeyey dadka deegaanka ee ay waxyeeladu kasoo gaartay dagaalkii cuslaa ee Saakay ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Maamulka Galmudug iyo Al-shabaab oo ka kala hadlay khasaaraha dagaalkii saakay ayaa mid walba waxa uu sheegtay guulo, Galmudug ayaa sheegatay in dagaalka saakay ay ku dileen in ka badan 60 dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan, halka Al-shabaabna ay sheegatay in dagaalka ay ku dileen 27 ka mid ah ciidankii ay kula dagaalameen gudaha deegaanka Baxdo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
6/17/2022 7:22 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Waxaa isa soo taraya marba marka ka dambeysa khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo Saakay aroornimadii hore ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka iyo kuwa Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaankaasi.

6/17/2022 4:09 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday oo aroornimadii hore ee Saakay ku qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.

6/17/2022 2:09 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa Saakay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Jiracle oo fariisin u aheyd mudooyinkii dambe dagaalamayaasha Al-shabaab, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

6/17/2022 2:04 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee Saakay weerar xoogan oo qaraxyo ku bilaawday ay halkaasi ku qaadeen Al-shabaab.

6/17/2022 1:58 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo waraysi siiyay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee degaanka Soomaalida, isagoo si gaar ah uga warbixiyay xaaladihii kala duwanaa ee uu soomaray degaanku.