4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 8 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyaysay geerida raysal wasaarihii hore ee Japan oo toogasho lagu dilay
 

Jimco, Luulyo, 8, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Japan  uga tacsiyaysay geerida Raysal wasaarihii hore ee dalkaas Shinzo Abe, kaas oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray toogasho loo geystay xilli uu jeedinayay khudbad.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in raysal wasaarihii hore Japan Shinzo Abe, ay kasoo wada shaqeeyeen xidhiidhka Soomaaliya iyo Japan.

Toogashada Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan, ayaa la sheegay inuu geystay nin horey uga tirsanaa ciidanka badda ee Japan.

Shinzo Abo wuxuu ahaa Ra’iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa iyo qofkii ugu caansanaa siyaasadda Japan, soddonkii sanno ee u dambeysay.

Dalka Japan oo uu mamnuuc ka yahay hubka, waxaa la xaqiijiyay ninka weerarka geystay inuu adeegsaday qori gacan ku sameys ah, wuxuuna ridday labo xabbo oo mid haleeshay Shinzo Abe.

Markiiba gacanta ayaa lagu dhigay ninka toogashada geystay oo da’diisa lagu sheegay 61 jir.