4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 8 , 2022
Madaxwayne Mustafe Cagjar oo u hambalyeeyay Xulka gobolka Jarar ee iyagu ku guulaystay koobka Gobolada deegaanka soomaalida


Jimco, Luulyo, 8, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa farriin gaaban oo uu ku qoray bogga uu ku leeyahay Facebook, waxa uu hambalyo u diray Kooxda kubadda cagta ee gobolka Jarar oo ku guulaystay koobka Gobollada dowlad degaanka Soomaalida.

Kooxdan gobolka Jarar ayaa shalay galinkii dambe waxay la ciyaartay xulka kubadda cagta ee gobolka Erar, ciyaartaas oo ugu dambayn guushu raacday xulka gobolka Jarar, halkaas oo Madaxwayne Mustafe cagjar uu koobka guddoonsiiyay Kooxda gobolka Jarar ee guushu ay raacday.

Koobka gobollada degaanka Soomaalida ayaa waxa uu Jigjiga ka socday muddo labo toddobaad ah, iyagoo ay kasoo qayb galeen kooxo ka kala socday gobollada degaanka Soomaalida, iyadoo gunaanadkii koobkan ay isaga hor yimaadeen kooxaha Jarar iyo Erar, sidaana guushu ku raacday gobolka Jarar.

Guusha haatan raacday gobolka Jarar ayaa noqonaysa tii labaad, iyagoo hadda ka hor sidan oo kale ugu guulaystay inay qaadaan Koobka gobollada dowlad degaanka Soomaalida ee kubadda cagta.

Gobolka Jarar ayaa waxa uu kamid yahay gobollada ugu waawayn ee degaanka Soomaalida, waxaana caasimad u ah magaalada Dhagaxbuur, waana mid kamid gobollada usoo xiga dhanka caasimadda dowlad degaanka Soomaalida ee Jigjiga.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]