4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 7 , 2022
Puntland oo xukun dil ah ku riday nin loo haysto dilka taliyihii saldhigga Qardho
 

Khamiis, Luulyo, 7, 2022 (HOL) - Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday Mustafe Cabdirisaaq Cusmaan oo loo haysto inuu dilay taliyihii saldhigga Booliiska degmada Qardho, marxuum dhamme Cumar Hiirad Kaatum.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland oo kiiskaan gacanta ku haysay, ayaa sheegtay in ninkani uu qirtay inuu dilay taliyaha.

Waxay maxkamaddu sidoo kale xukun saddex sano oo xabsi ah ku riday labo eedeysane oo la socday gacan ku dhiiglaha, kuwaas oo lagu kala magacaabo, Cawil Muxyadiin Nuur, iyo Cabdiqani Axmed Cabdi.

Magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya ciidanka amaanka iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka ganacsada maan-dooriyaha.

Sagaalkii bishii August ee sannadkii 2020, waxaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay taliyihii ciidanka madaxtooyada Puntland, G/sare Cismaan Cumar Maxamed oo loo garan-ogaa Cismaan Itoobiyaan.

Waxaa lagu dilay iska hor imaad dhex maray ciidamada amniga iyo maleyshiyaad ka ganacsada maandooriyaha.