4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2022
Wadahadalo u furmay mucaaradka iyo Xukuumada Somaliland
 

Arbaco, Luulyo, 6, 2022 (HOL) - Wadahadalo lagu gorfaynayo khilaafka doorashooyinka Somaliland oo ay soo qaban qaabisay guddida dhexdhexaadinta, ayaa Hargaysa uga furmay mucaaradka iyo xukuumada Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo gadhwadeen u ah guddida dhexdhexaadinta, ayaa shirka furay, isaga oo sheegay in kalanka maantu uu yahay bilow lakiin balan cusub la qabsan doono, si wadahadalada loosii wado.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa soo dhaweeyay kulanka isaga oo soo jeediyay in aan loo kala tagin, isla markaana waxa uu balan qaaday in ay aqbalayaan wixii guddida dhexdhexaadintu ku xukunto.

"Gogosha waynu ku wada fadhiyaynaa, hadaanu qaldanahay waa nala qabanayaa, hadii sharci laga wadahadlayo diyaar, hadii garnaqsi laga wadahadlayo diyaar ayaanu u nahay, go'aan kasta oo cidaa na dhexjoogtaa nagu dhexdhexaadisana diyaar ayaanu u nahay" ayuu yidhi Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa isna dhankiisa soo jeediyay in aan loo kala kicin oo khilaafka lagu dhameeyo wadatashigii Somaliland caadada u ahaa.

"Wakhti noo qabta ciida ka bacdi, si aynu dalkeena warwarka uga saarno, si aynu cadowgeena uga nixino, sidii caadada inoo ahaan jirtay saacada u danbaysa waynu heshiin jirnay, markaa yaan loo kala tagin, waxaan kala leenahay ma jirto" ayuu yidhi Faysal.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isna dhankiisa bogaadiyay guddida is xilqaantay ee dhexdhexaadinta, guddoomiyaha golaha guurtida iyo dhamaan cidkasta oo isku howshay in miiska layskugu yimaado. Dhinacyada ayaa ku balamay in ciida kadib laysku soo noqdo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]