4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 5 , 2022
Madaxweynaha Somaliland iyo guddidii dhexdhexaadinta khilaafka doorashada oo heshiisyo gaadhay

Talaado, Luulyo, 5, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddida dhexdhexaadinta khilaafka mucaaradka iyo xukuumada, ayaa ku heshiiyay in lasii daayo siyaasiyiinta mucaaradka ka xidhan, iyo in wadahadalada dib loo bilaabo.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo kamid ah guddida dhexdhexaadinta, ayaa ugu horayntii madaxweynaha ka codsaday in uu siidaayo 12 siyaasi oo mucaaradka ka tirsan kuwaasi oo lagu xidhay mudahraadkii 9 Juun, ay mucaaradku ka dhigeen Hargaysa, isagoo madaxweynuhuna ka aqbalay.

"Mar hadii aad iskugu kaaya yeedhay, dee waxaanu kaa codsanaynaa maxaabiistii horta bal barigii dhawayto mudaharaadka lagu soo xidh xidhay dee horta siidaa oo maanta inaga siidaa" ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan " Ogoli" ayuu ku jawaabay madaxweyne Biixi isaga oo aqbalay codsiga.

Siidaynta siyaasiyiinta xidhan ayaa loo mari doonaa sharciga, iyada oo xeer ilaalinta iyo booliisku ay ka noqon doonaan dacwadihii ay kusoo oogeen shakhsiyaadka xidhan, kadibna maxkamada ayaa fasixi doonta, sida madaxtooyadu sheegtay.

Labada dhinac ayaa sidookale ku heshiiyay in madaxweynaha iyo madaxda axsaabta mucaaradka Somaliland, laysku keeno maalinta berri ah si dib loogu amba qaado wadahadaladii fashilmay ee u dhexeeyay mucaaradka iyo xukuumada.

Kadib markii ay fashilmeen wadahadaladii lagu doonayay in mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland ay iskula meel dhigaan xal u helida khilaafka doorashada, ayay axsaabta mucaaradku dhigeen mudaharaado khasaare ka dhashay 9 Juun, iyaga oo ku dhawaaqay mudaharaado kale 11 June.

Hadaba, guddi ka kooban odayaal, ganacsato iyo waxgarad isxilqaamay, ayaa mucaaradka ku qanciyay in ay dib u dhigaan mudaharaadada, iyaguna ay isku dayi doonaan in ay dhexdhexaadin ka dhex sameeyaan labada dhinac si heshiis looga gaadho khilaafka taasi oo ay dhinacyadu aqbaleen.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]