4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 4 , 2022
Barlamaanka Puntland oo kalsoonidii udiiday xubnaha maxkamadda sare ee madaxweyne Deni uu magacaabay

Isniin, Luulyo, 4, 2022 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa maanta oo isniin ah wuxuu kalsoonidii udiiday xubnaha maxkamadda sare ee Puntland, kuwaas oo uu dhawaan magacaabay madaxweyne Siciid Deni.

43 xildhibaan oo ku sugnaa fadhigga barlamaanka, kuwaas oo Fadhiistay ansixinta xubnaha magacaaban ee maxkamadda sare, ayaa 23 Xildhibaan waxay u taageen codka oggolaanshaha, 11 way diideen, sagaal xubnoodna way ka aamuseen.

Xubnaha magacownaa ee Maxkmadda sare oo uu ku jiro guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa sidaa ku waayay kalsoonidii iyo ansixintii Golaha Wakiillada.

Waa markii ugu horraysay oo barlamaanka Puntland ay kalsoonida udiidaan xubnaha maxkamadda sare, waxayna arrintaan kusoo aaday xilli uu soo baxayay inuu jiray khilaaf u dhaxeeya barlamaanka iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland.

Dhawaan, warbaahinta gudaha ayaa qortay in guddoomiyaha maxmadda sare uu sheegay inuusan codka kalsoonida uga baahnayn barlamaanka.

Hase ahaatee warkaas ayuu beeniyay maalmo kadib, isagoo sheegay inay waajib tahay inay barlamaanka weydiistaan codka kalsoonida.

Maxkamadda sare Puntland oo ka kooban shan xubnood oo ay ku jiraan guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa iyo sidoo kale kayd garsoorayaal ah ayaa la magacaabay bishii march ee sannadkan.