4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2022
Ciidanka Nabadsugida gobolka Banaadir oo ku biiray howlgalada Booliiska Soomaaliya ay ka wadaan Muqdisho
 

Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Nabadsugida gobolka Banaadir ayaa ku biiray howlgalada maalmahii dambe ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ay kula dagaalamayeen Ciyaal weeradda dhibaatada ku haaya shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Ciidamada iskaashanaya ayaa Xalay howlgalo si wadajir ah waxay uga sameeyeen xaafadaha degmada Kaaraan oo maalmahii lasoo dhafay ay si aad ah ugu kordheen falalka la xariira amni daradda loo geysanayo dadka ku dhaqan degmadaasi.

Howlgaladii Xalay ciidanku ka sameeyeen xaafadaha Kaaraan ayaa lagu soo qabqabtay Kooxo Burcad ah iyo hubkii ay wax ku dhici jireen iyo waliba waxyaabaha maanka dooriya sida, Qamri farabadan oo ah kan dalka dibaddiisa laga keeno, Calaq  dalka lagu farsameeyo iyo Xashiish.

Howlgalka ciidamada Booliiska iyo Nabadsugida sida wadajirka ah Xalay uga sameeyeen degmada Kaaraan, waxaa horkacayay Taliyaha Nabad sugida gobolka Banaadir Muxidiin Warbac, Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, iyo taliyaha qeybta Bari ee Booliiska gobolka Banaadir Cali Calasow Goofjooge.

Saraakiisha ciidanka Xalay howlgalada ka sameeyay kaaraan ayaa digniino adag u diray waalidiinta ka daba yimaada caruurta lagu soo qabqabto howlgalada ee dhibaatada u geysta shacabka ku dhaqan xaafadaha Kaaraan, iyagoona ka dalbaday waalidiinta in caruurtooda marka hore ay xakameeyaan oo ay ka reebtaan falalka ay ku jiraan.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa haatan u muuqda kuwa xooga saaraya wax ka qabashada dhibaatada ay Ciyaal weerada iyo kooxaha burcada ah ku hayaan shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir. 

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]