4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2022
Madaxweynaha Jubbaland oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Jubbaland
 

Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxaned Islaam Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allah u naxariistee wasiirkii Arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo ku dhintay dalka Jarmalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Jubbaland oo uu ka baxay Allah u naxariiste Marxuum Maxamed Warsame Darwiish.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Marxuumka heerar kala duwan uga soo shaqeeyay dalka gaar ahaan dowlad goboleedka Jubbaland oo uu sheegay inuu ka mid ahaa aas aasayaashii wakhtigooda iyo aqligoodaba u huray dhismaha dowlad goboleedka Jubbaland.

"Waxaan ehelka, qaraabada, qoyskii uu ka baxay, dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo shacabka Jubaland uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Wasiirkii Arimaha gudaha Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Jubaland walaalkay Marxuum Gen: Maxamed Warsame Darwiish oo ku geeriyooday dalka Jarmalka. Alle ha u naxariistee Marxuumku wuxuu heerar kala duwan uga soo shaqeeyay dalka gaar ahaana Jubaland isagoo kamid ahaa aas aasayaashii wakhtigooda iyo aqligoodaba u huray dhismaha Jubaland iyo dadaaladii Dowlad dhiska ahaa ee ka danbeeyay isagoo qeyb weyn ku lahaa sal u dhigida Wasaaradahii uu soo maamulayay wakhtiyadii lasoo dhaafay iyo howlahii baaxada lahaa ee uu u hayay shacabka Jubbaland" Ayuu yiri madaxweyne Axmed Maxamed islaam.

Gabagabadii madaxweynaha Jubnaland ayaa Alle uga baryay in uu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelkii, asxaabtii, dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Bulshada Jubbaland ee uu ka baxay alle ha u naxariistee marxuumka Maxamed Warsame Darwiish oo ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]